Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa Mareykanka ugu baaqay inuu aqbalo soo jeedinta Tehran ee ku saabsan dib u furista marin-biyoodka Hormuz muddo toddoba maalmood gudahood ah.
Araghchi ayaa sheegay in soo jeedinta Iran ay weli miiska saaran tahay, isaga oo xusay in haddii Mareykanku aqbalo shuruudaha la soo bandhigay, marin-biyoodka la furi doono maalinta lixaad, wada-hadalladuna ay bilaaban doonaan maalinta toddobaad.
Wasiirka ayaa arrintan ku sheegay farriin uu ku baahiyay bartiisa Telegram-ka.




