Zambia oo looga dhawaaqay 21 cisho oo baroordiiq ah

0
385

Maamullada dalka Zambia ayaa shaaciyay 21 cisho oo uu wadankaasi ku jiraya xaalad baroordiiq ah ka dib geeridii ku timid madaxweynihii koowaad Kenneth Kaunda.
Kaunda oo lagu tilmaamay inuu ka mid ahaa halyeeyadii u soo dagaallamay madax bannaanida wadankaasi ayaa dhintay isaga oo 97 sano jir ah.
Waxaa uu ku geeriyooday isbitaal ay leeyihiin ciidamada militariga Zambia oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Lusaka oo looga daweeynayay xanuunka burukiitada ama limooniyada.
Kaunda ayaa madaxweynaha Zambia ahaa laga soo billaabo 1964 ilaa 1991-dii.