Madaxweynaha Hirshabeelle oo Turkiga kulamo ka wada

0
327

Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga ayaa wuxuu halkaas Kulamo kula qaatay dadka Soomaalida ah ee Halkaas ku sugan.
Xubnaha wafdiga waxaa kamid Xildhibaan Cabduqaadir Caraboow oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Magaalada Istanbul
Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe wuxuu la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Istanbul, Ganacsato, haween, Dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Cali Guudlaawe oo warbaahinta la hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay magaalada Istanbul, isagoo inta uu joogo dalka Turkiga kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinta dalka Turkiga iyo Jaaliyadda Hirshabeelle ku nool magaalada Istanbul.