Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in weerarro ay ciidamada Ruushku Jimcihii ka fuliyeen dalkaas ay ku dhinteen ugu yaraan siddeed qof, halka 60 kalena ay ku dhaawacmeen.
Weerarrada ayaa ka dhacay sagaal gobol oo dalka Ukraine ah, waxaana sidoo kale la beegsaday laba xarumood oo ganacsi, iyadoo korontada laga jaray in ka badan hal milyan oo qof.
Magaalada Kharkiv ee bariga Ukraine, waxaa weerarrada ka dhacay saddex degmo ku dhintay haweeney 71 jir ah iyo nin 58 jir ah, halka 12 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Guddoomiyaha gobolka Kharkiv, Oleh Syniehubov, ayaa xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay weerarrada.




