Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in kulanki dhawaan uu la yeeshay dhigiisa wadanka maraykanka Joe biden aysan waxba ka badali dooni mowqifka xukumada Ankara ee ku aadan hor marinta lagu wado gantaalada difaaca hawada ee dhawaan turkigu ka soo gatay wadankaasi ruushka ee S-400.
Labada hogaamiye ayaa kulan fool ka fool ah ku yeeshay magalada Brussels ee casimada wadankaaasi Belgium, halkaas oo ay kaga qayb galayeen shirwaynihii gashaan buurta Nato ee sanadkan.
Majirin heshiis cad oo ay gareen hogamiyaasha dawladaha turkiga iyo maraykanka marka laga yimaado in dhinacyadu mujiyeen niyad wanaag guud.
Xiriirka u dhaxeeya xukumaddaha Washington iyo Ankara aya ahaa mid aan wanaagsanayn iyada oo labada dawladood ee ku wada jira xulufada Nato ay ku kala aragti duwanyihiin arimo dhawr ah kuwaas oo ay kamid yihiin arimaha kataagan wadamada Syria,Libya iyo soo gadashadi turkiga ee gantaalada S-400 ee ruushku farsameeyo taas oo keentay in maraykanku cuna qabatayn saaro wadankaasi turkiga.
Xiriirka ka dhexeeya dawladahan ayaan wanaagsanayn iyada oo madaxwaynaha turkigu u sheegay dhigiisa maraykanka in aysan ka tanaasuli doonin gantaalada S-400.