DHEGEYSO:Kindiki oo siyaasiyiinta uga digay siyaasadda rabshadaha

0
80

Madaxweyne ku-xigeenka dalka, Prof. Kithure Kindiki, ayaa mar kale uga digay siyaasiyiinta dalka inay ku dhaqmaan siyaasad ay la socdaan rabshado iyo falal sharci-darro ah, xilli dalka uu ku sii dhawaanayo xilliga rasmiga ah ee ololaha doorashada guud.
Kindiki ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay inay ka fogaadaan hab-dhaqannada rabshadaha wata, isla markaana ay siyaasadda u wajahaan si nabdoon oo waafaqsan sharciga.