Madaxwaynihi hore ee waddanka Zambia oo geeriyooday

0
484

Madaxwaynihi hore ee waddanka Zambia Kenneth Kaunda ayaa ku geeriyooday isbitaal milatari oo ku yaala magaaladda caasimadda u ah dalkaasi Zambia ee Lusaka sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.
Mr.Kenneth Kaunda, oo ku magac dheraa kk ayaa ladhigay todobaadki hore isbtaalka Maina Soko medical center, ee magaalladda Lusaka marki uu haleelay xanuun aan lagaranaynin wakhtigaasi.
Kaaliyeyaashiisa ayaa sheegay inuusan u geriyoonin cabuqa Covid-19 balse oo u geeriyoodasy oof wareen daran oo uu dareemay.
Mr.kenneth wuxuu xubin muhiim ah oo fir’fircoon ka soo ahaa dhaq’dhaqaaqi gobanimo-doonka ee dalkaasi Zambia ku baadi goobayay xoriyaddiisi.
Waxaa uu noqday madaxwaynihi ugu horeeyay ee wadanka Zambia 1964, xiligii ay ka xorobeen gumaystihii Ingiriiska isaga oo xila hayey tan iyo sanadki 1991,
Waxaa uu ku dhashay magalladda Chinsali, ee wadankaasi Zambia 28,bishi April sanadki 1924, isaga oo jiray 97-sano.
Qoraal uu soo dhigay nartiisa facebook,madaxwaynaha zambia Edgar Chagwa Lungu, oo ka hadlay geerida madxwaynihi hore ee dalkaasi waxaa uu sheegay in uu ahaa gogaamiye dhab ah oo astaan guud u ah qaradni Africa guud ahaan.
waxaa uu dhabaal tacsi ah u diray shacabka Zambia iyo eheladi madaxwaynihii kobaad ee dalkaasi.
Hogaamiyihi ugu horeeyay ee dhidibada u taagay wadanka Zambia ayaa lagu xusustaa ol’olihisi la dagaalanka cudurka HIV-AIDS-ka.