Dowladda oo dib u eegis ku samaysay saacadaha bandowga 13 ismaamul oo ay Kisumu ka mid tahay

0
804

Dawladda dhexe ee dalka waxay dib u eegis ku samaysay saacadaha bandowga 13 ismaamul oo ka mid ah dalka ka dib markii ay sare u kaceen xaaladaha Corona Virus ee dowlad deegaanadaas.
7 fiidnimo ama halka saac ilaa iyo afarta arroornimo ayaa la geeyay bandowga ismaamuladan kala ah Busia, Vihiga, Kisii, Nyamira, Kakamega, Kericho, Bomet, Bungoma, Trans- Nzoia, Kisumu, Siaya, Homa-Bay iyo Migori.
Xukumadda ayaa ismamauladaan u aqoonsatay meelaha ugu daran oo uu hadda sida xowliga ah ugu faafaya COVID 19.
Bayaan uu soo saaray khamiista, maanta ah wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe wuxuu ku sheegay in bandowga 7-da fiidnimo ilaa iyo 4-ta arroornimo la dhaqan galin doono 18-ka bishaan June oo ku beegan maalinta bari oo Jimco ah.
Ismaamuladaan lagu soo rogay xayiraadahan cusub ayaa timid ka dib marii Viruska u uku kordhay boqolkiba 21 ee 14-kii maalmood ee la soo dhaafay.
Sido kale muddo 30 maalmood ah ayaa la hakiyay isku imaatinka ismaamuladaas.
Waxaana lagu soo koobay dadka ka qeyb galayaa aasaska inay ahaadaan 50 qof halka aroosyadana loo ogolaaday inay tagaan ilaa iyo 30 ruux.
Sido kalena waxaa la mamnuucay ilaa muddo laba bil ah waxyaabaha aan cunada ahayn iyo suuqa xoolaha lagu iibiyo ismaamuladaas uu saameeyay COVID 19.
Muddo 72 sacadood ah ayaa ay dowladu sheegtay in la doonayo in la aaso qofka la xaqiijiyo inuu dhintay.