Dowladda Kenya ayaa 6.4 bilyan oo shilin u qoondeysay ballaarinta kaabayaasha xarumaha tababarka ee Adeegga Dhallinyarada Qaranka ee NYS, iyadoo qorsheyneysa in sanadka 2028-ka ay shaqaaleysiiso ilaa 100,000 oo dhallinyaro ah.
Wasiirka wasaaradda Adeegga Dadweynaha, Horumarinta Awoodda Aadanaha iyo Barnaamijyada Gaarka ah, Geoffrey Ruku, ayaa sheegay in lacagtaasi loo adeegsan doono dhismaha fasallo cusub, goobo farsamo, xeryo iyo xarumo maamul, si loo kordhiyo awoodda NYS ee tababarka dhallinyarada.
Ruku ayaa hadalkan ka sheegay xaflad ka dhacday Akadeemiyadda Tababarka Milatari ee NYS ee magaalada Gilgil, ismaamulka Nakuru, halkaas oo uu ku matalayay Madaxweyne William Ruto, xafladda qalin-jabinta 15,363 dhallinyaro ah oo muddo lix bilood ah qaatay tababar ciidan.
Wuxuu sheegay in ballaarinta xarumaha ay suuragelin doonto in NYS ay hal mar tababar siiso ku dhowaad 50,000 oo dhallinyaro ah, kuwaas oo la siin doono xirfado ay ku heli karaan shaqooyin, ku abuuri karaan ganacsiyo, isla markaana ka qayb qaadan karaan kobaca dhaqaalaha dalka.
Wasiirka ayaa xusay in qorshaha lagu qaadanayo dhallinyarada cusub uu barbar socon doono kordhinta qalabka, macallimiinta iyo shaqaalaha loo baahan yahay, iyadoo sidoo kale la ballaarin doono tababarrada farsamada iyo xirfadaha gacanta, si dhallinyaradu u helaan aqoon waxtar u leh suuqa shaqada.
Geoffrey Ruku ayaa sheegay in dowladda ay doonayso in NYS ay door weyn ka qaadato sidii dhallinyarada Kenya loogu diyaarin lahaa fursadaha ka jira beeraha, dhismaha guryaha la awoodi karo, kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta deegaanka iyo ganacsiga.
Wuxuu sidoo kale shaaciyay in tan iyo sannadkii 2024-kii, ay 12,760 qof oo hore uga qalin-jabiyay NYS heleen fursado shaqo oo la hubiyay, kuwaas oo ay ku jiraan 5,720 qof oo shaqooyin ka helay dalalka Ingiriiska, Israa’iil, Qatar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Australia.
Si kastaba ha ahaatee, wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in mudnaanta koowaad ee dowladda ay tahay in dhallinyarada loo abuuro fursado shaqo gudaha dalka, si ay nolol maalmeedkooda uga helaan deegaannadooda iyo ismaamullada ay ka soo jeedaan.
Dhanka kale, dowladda ayaa NYS u soo iibineysa 50 baabuur oo waaweyn oo ciidda qaada iyo laba qalab oo dhulka lagu qodo laguna simo, iyadoo sidoo kale la filayo in la helo 50 qalab oo kale oo qodista dhulka ah, kuwaas oo kor u qaadi doona doorka hay’adda ee dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in NYS ay ballaarinayso hawlaheeda beeraha, iyadoo kaashanaysa Hay’adda Qaranka ee Waraabka, si dhul gaaraya 3,000 oo acre looga beero dalagyada kala duwan ee dooxada Tana.
Waxaa sidoo kale socda barnaamijyo lagu soo saarayo abuurka baradhada ee tayada leh, si kor loogu qaado wax-soo-saarka cuntada loogana hortago saameynta abaaraha.
Dhanka ilaalinta deegaanka, barnaamijyada NYS ayaa tan iyo sannadkii 2022-kii gacan ka geystay beerista in ka badan 71.8 milyan oo geed, iyadoo 22-ka xarumood ee ay leedahay ee lagu xanaaneeyo geedaha ay sannad kasta soo saari karaan ilaa 50 milyan oo geedo yaryar ah.
Sidoo kale, shaqaalaha NYS ayaa ka qayb qaadanaya dib-u-dhiska guryihii ay burburiyeen dhul-go’a ka dhacay deegaanka Chesongoch ee ismaamulka Elgeyo Marakwet, halkaas oo guryo gaaraya 56 la qorsheeyay in dib loo dhiso, iyadoo inta badan shaqada la dhammaystiray, qaar ka mid ah guryahana la gaarsiiyay qoysaskii ay musiibadu saamaysay.
Ruku ayaa intaa ku daray in dowladda ay qorsheyneyso in adeegga NYS la gaarsiiyo deegaannada la haybsooco, gaar ahaan waqooyiga Kenya, iyadoo ay socdaan wada-hadallo ku saabsan sidii xarun NYS looga hirgelin lahaa ismaamulka Marsabit, si dhallinyarada xoolo-dhaqatada ah loo siiyo xirfado la xiriira maaraynta biyaha, wax-soo-saarka xoolaha iyo ganacsiga.
Xafladda qalin-jabinta ayaa waxaa ka baxay 15,363 dhallinyaro ah, oo ay ku jiraan 11,527 wiilal ah, 3,835 gabdho ah iyo 15 qof oo naafo ah, kuwaas oo dhammeystay tababar muddo lix bilood ah socday.
Geoffrey Ruku ayaa ugu baaqay dhallinyarada qalin-jabisay inay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen uga faa’iideeyaan naftooda, bulshadooda iyo dalka, isagoo sheegay in horumarka mustaqbalka Kenya uu si weyn ugu xirnaan doono tayada iyo xirfadaha dhallinyarada.
Lacagta 6.4 bilyan ee shilinka Kenya ah ayaa la filayaa inay sare u qaaddo awoodda NYS ee qaadashada iyo tababarka dhallinyarada, iyadoo la xoojinayo doorkeeda shaqo-abuurka, ganacsiga, ilaalinta deegaanka iyo adeegga qaranka.




