Ciidanka Booliska oo qabtay 10,000 litir oo khamri ethanol ah, saddex qofna xirey

0
82

Ciidamada Booliska ee deegaanka Lari ismaamulka Kiambu ayaa intii ay roondo ka sameynayeen waddada weyn ee isku xirta Nairobi–Nakuru, waxay qabteen gaari xamuul ah oo siday ku dhowaad 10,000 litir oo khamri ethanol ah, kaas oo looga shakisan yahay inuu yahay badeeco aan canshuurta laga bixin.
Howlgalka ayaa lagu qabtay saddex qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin.
Saddexda qof ayaa lagu xiray Saldhigga Booliska ee Lari dowlad deegaanka Kiambu, iyagoo sugaya in maxkamad la horgeeyo.
Gaariga iyo ethanol-ka la qabtay ayaa sidoo kale lagu hayaa saldhigga, waxaana loo diiwaangeliyey inay yihiin caddeymo la xiriira kiiska.
Adeegga Booliska Qaranka ayaa sheegay inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah khamriga sharci-darrada ah, daroogada, badeecooyinka la tahriibiyo iyo badeecooyinka aan canshuurta laga bixin.
Boolisku waxay shacabka ugu baaqeen inay la shaqeeyaan ciidamada, ayna soo gudbiyaan xogta muhiimka ah ee ku saabsan falalka sharci-darrada ah.