ICJ oo dhageysatay doodda Nicaragua ee ah in hubka ay Jarmalku u dhoofiyo Israel uu jebinayo Axdiga Xasuuqa

0
125

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ayaa maalintii labaad dhageysanaysa dacwad ay Nicaragua ku sheegtay in Jarmalku gacan ka geysanayo xasuuqa ka socda Gaza, iyadoo u maraysa taageerada militari ee ay siiso Israel.
Nicaragua ayaa maanta soo bandhigaysa dacwadeeda ka dhanka ah Jarmalka, iyadoo ku doodaysa sababta ay tahay in maxkamaddu dhageysato kiiska. Jarmalku ayaa Isniintii ku dooday in ICJ aysan awood sharci u lahayn inay dhageysato dacwadda ay Nicaragua gudbisay 2024.
Nicaragua waxay sheegtay in Jarmalku si ogaal iyo ula kac ah u taageerayo isla markaana fududeynayo xasuuq, iyadoo hubka uu u dhoofiyo Israel uu kordhay tan iyo 7-dii Oktoobar 2023. Nicaragua waxay sidoo kale ku dooday in Jarmalku uu weli hub badan u dirayo Israel, inkastoo uu dhoofinta hubka hakiyay muddo saddex bilood ah sannadkii 2025.
Dacwaddan ayaa noqon karta kiis muhiim ah oo lagu go’aaminayo ilaa heerka ay gaarsiisan tahay mas’uuliyadda dalalka aan si toos ah ugu lug lahayn dagaal, gaar ahaan marka ay timaaddo ka hortagga xasuuqa.
Nicaragua waxay ku doodaysaa in waddan kasta uu leeyahay mas’uuliyad madax-bannaan oo ah inuu qaado tallaabooyin looga hortagayo xasuuqa, isla markaana uusan gacan ka geysan ama fududeyn fal noocaas ah.
Jarmalka, dhankiisa, wuxuu ku doodayaa in khilaaf toos ah uusan ka dhex jirin labada dal, isla markaana inta ICJ aysan go’aan ka gaarin dacwadda Koonfur Afrika ee ku saabsan in Israel ay xasuuq ka waddo Gaza, aan Jarmalka lagu eedeyn karin inuu ku lug leeyahay xasuuq.