11 qof oo ku dhintay weerar cirka ah oo ka dhacay koonfurta Lubnaan

0
129

Weerar cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 11 qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah iyo laba ka mid ah shaqaalaha gurmadka caafimaadka, sida ay warbaahinta dowladda Lubnaan sheegtay.
Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa aroortii hore ee Isniinta maanta ah duqeyn ku qaaday dhisme la degganaa oo ku yaalla magaalada Kfar Reman ee koonfurta Lubnaan.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qaranka Lubnaan (NNA), weerarkaasi wuxuu dilay sagaal qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah, halka shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.