Afhayeenka Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa sheegay in weerarrada cusub ee lagu qaado dalkiisa ay wajihi doonaan jawaab ka degdeg badan, ka culus oo ka xanuun badan.
Ghalibaf ayaa sheegay in jawaabaha Tehran ka bixinayso duqeymaha Mareykanka aysan mar dambe noqon doonin kuwo u dhigma weerarka loo geystay, isagoo intaas ku daray in “Mareykanku uu si dhab ah u fahmay in xilligii jawaabaha is le’eg uu dhammaaday.
Duqeymaheennii ugu dambeeyay ee aan ku qaadnay saldhigyada cadowga waxay ahaayeen bilow keliya. Haddii aysan weli fahmin, waa inay ogaadaan ka hor inta aysan goori goor tahay in xeerarkii dagaalku ay is beddeleen.
Waxa uu sheegay in Iran ay sidoo kale ka adkaan doonto ololaha dhaqaale ee Mareykanka, sida uu sheegay inay uga adkaatay Mareykanka dhinacyada milatariga iyo diblomaasiyadda.




