Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in markab shidaal oo Iiraan leedahay, kaas oo ku sugnaa meel u dhow jasiiradda Kharg, lagu dhuftay dhowr gantaal oo laga soo riday dhinaca Mareykanka.
Dhanka kale, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa baaritaan ku sameeyay xubno ka tirsan shaqaalaha taliska milatariga, kadib markii la ogaaday in xog sir ah oo la xiriirta dagaalka Iiraan ay bannaanka u baxday.
Sida ay qortay wargeyska The New York Times, ilaa 50 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Taliska Guud ee Mareykanka ayaa baaritaanka lagu marsiiyay qalabka lagu ogaado runta, iyadoo baaritaanku diiradda saarayay sida xogta sirta ah loo dusiyay.
Xogta la baarayay waxaa ka mid ahaa arrimo la xiriira saameynta dagaalka Iiraan uu ku yeeshay kaydka hubka Mareykanka, gaar ahaan yaraanta rasaasta iyo gantaallada muhiimka u ah hawlgallada milatari.
Wararkan ayaa imanaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ay sare u sii kacayso, iyadoo weerarrada iyo hawlgallada milatari ay walaac ka abuureen xaaladda amni ee gobolka.




