Wasiirrada Kenya iyo Soomaaliya oo wada hadlay

0
470

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ambasadoor Raychelle Omamo iyo dhigeeda Soomaaliya Maxamad Cabdirisaaq ayaa yeeshay wada hadal dhanka taleefoonka ah.
Bayaan la soo saaray ayaa lagu sheegay in wasiirada ay xaqiijiyeen baahida loo qabo in dib loo furo safaaradaha Nairobi iyo Muqdisho ee labada dal.
Sidoo kale waxaa qoraalka ku cad in ay lagama maarmaan tahay dib u soo celinta xiriirkii dibloomaasiyadeed.
Wasiirada waxay dhanka kale muujiyeen in ay aad u daneynayaan wanaajinta xiriirka ganacsi , amni iyo dhaqanka ee ka dhexeya bulshooyinka ku nool dalalka dariska ah.
Sidoo kale labada dhinac ayaa isku afgartay in si toos ah la isugu furo isgaarsiinta caasimadaha Kenya iyo Soomaaliya.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii toddobaadkii hore dowladda Kenya ay dib u fasaxday duulimaadyada Soomaaliya .