Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen ayaa siyaasiyiinta mucaaradka kula taliyey in ay soo afjaraan weerarka ay ku hayaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee IEBC.
Waxay mas’uuliyiintan ugu baaqeen in taasi beddelkeeda ay la yimaadaan qorsho la xiriira waxqabad oo ay u bandhigaan kenyaanka.
Kithure Kindiki ayaa howlwadeennada guddiga IEBC ku boorriyey in aynan siyaasiyiinta cabsi gelin oo ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan xeerarka dastuuriga ah ee qaranka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa madaxda mucaaradka ku tilmaamay kuwo u muuqdo in ay xilli hore dareemeen in sanadka 2027-da loogaga adkaan doono loollanka hoggaamineed.
Waxaa uu ku celceliyey in IEBC ay sharci ahaan ku qasban tahay in ay shaqadeeda gudato iyadoo aan u eexan dowladda mise mucaaradka.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ,Kipchumba Murkomen oo baaqan mid la mid ah u jeediyey siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in laamaha ammaanka ay tallaabo adag ka qaadayaan cid kasta oo isku dayda in ay khalkhal geliso sugidda amniga ee isku soo baxyada siyaasadeed.
Kithure Kindiki iyo Kipchumba Murkomen ayaa hadalladan ka jeediyey Kapsamoo oo ka tirsan deegaanka Kapseret ee ismaamulka Uasin Gishu oo lacago loogu uruurinayey ilaa 22 kaniisadood.




