Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay dileen 300 oo dagaal yahan oo ka tirsan Al Shabaab.
Dagaalyahanadan ayay sheegtey dowladdu iney ku dishay hawl galada culus ee ay beryahan ka wadey furrimo kala duwan.
Warbaahinta dowladda, ayaa baahisay in ciidamadoodu ay kala dhantaalen saldhig ay leeyihiin Alshabaab, kaasoo u qaabilsanaa dhanka saadka.
Dawladda ayaa dhawaanahan waday hawlgallo ballaaran qeybo kamid ah gobolada, hawlgaladan ayey ka fulisay Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
Dowladda waxey intaa ku dartey in ciidamadu ay burburiyeen keyd cunto oo ku yaalla degmada Maxaas, oo dhacda bartamaha Soomaaliya.
Sidoo kale ciidamadu waxey la wareegeen bakhaar ku yaalla tuulada War Ciise oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay Al Shabaab u isticmaali jireen keydinta hubka iyo shidaalka.