Ugu yaraan 14 dhallaan cusub ah oo ku dhintay dab ka kacay isbitaal ku yaalla Pakistan

0
27

Ugu yaraan 14 dhallaan oo cusub ayaa ku dhintay dab ka kacay qeybta carruurta dhallaanka ee isbitaal ay dowladdu maamusho oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Islamabad, Pakistan.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa sheegay in dabku ka kacay dabaqa saddexaad ee Mother and Child Centre oo ka tirsan Pakistan Institute of Medical Sciences (PIMS), isaga oo amray in si degdeg ah loo baaro sababta keentay dhacdada.
Warbaahinta gudaha Pakistan, gaar ahaan Geo TV, ayaa sheegtay in tirada dadka dhintay ay gaartay 15 dhallaan, iyadoo dabku billowday wax yar ka hor 7-da subaxnimo xilliga maxalliga ah.
Dab-damiska ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay damiyaan dabka, waxaana la sheegay in hal dhallaan oo keliya laga badbaadiyay qeybta uu dabku ka kacay.
Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska ay carruurtoodu ku dhinteen dhacdada, isagoo amray baaritaan degdeg ah oo lagu ogaanayo sababta dabka iyo cidda mas’uuliyadda ku leh.
Sharif ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay mas’uul ka tahay dhacdadan.
Sida laga soo xigtay ilo gurmadka ka tirsan, dabka ayaa loo maleynayaa inuu ka dhashay cilad koronto oo ku timid qalabka qaboojiyaha ee isbitaalka.
Dabka ka kaca dhismayaasha ayaa ku badan Pakistan, iyadoo marar badan lagu dhaliilo in xeerarka badbaadada iyo kuwa dhismaha aan si wanaagsan loo fulin ama loo kormeero.