Rose Mbithe Mulwa, wiilkeeda Chris Mulwa iyo gabadheeda Angela Mulwa ayaa lagu hayn doonaa Saldhigga Booliska Kileleshwa ilaa Khamiista berri ah, xilligaas oo la filayo in maxkamad la soo taago, si loogu soo oogo dacwad la xiriirta dilka Dr Victoria Mutiso oo ahayd dhakhtarad u qaabilsaneed arrimaha dhimirka.
Saddexda eedeysane ayaa shalay la horgeeyay Maxkamadda Sare ee Nairobi, kadib markii Xafiiska Dacwad-oogaha Guud (DPP) uu oggolaaday in lagu soo oogo dacwad dil ah, kaddib markii ay soo dhammaadeen baaritaannadii hordhaca ahaa ee ay sameeyeen DCI.
Waxaa la filayaa in saddexda qof ay Khamiista ka hor muuqdaan garsoore Kanyi Kimondo, halkaas oo looga akhrin doono eedaha loo haysto.
Dr Victoria Mutiso, oo ahayd dhakhtar ku takhasusay cudurrada dhimirka, isla markaana hore u ahayd agaasimaha African Institute of Mental and Brain Health, ayaa 29-kii July 2026 si toos ah loo toogtay xilli ay taxi ku dhex safraysay deegaanka Upper Hill ee magaalada Nairobi.
Dilkeeda ayaa yimid kaddib markii hore loo soo sheegay inay heshay hanjabaado.
Dukumentiyada maxkamadda ayaa muujinaya in Dr Mutiso ay 7-dii July soo gudbisay warbixin ku saabsan dhacdo ay sheegtay inay laba nin oo mooto watay kula kulmeen meel u dhow Junction Mall, oo ku taalla waddada Ngong Road. Mid ka mid ah ragga ayaa la sheegay inuu qori ku tilmaamay.
Baaritaannada ayaa sidoo kale lagu ogaaday khilaaf dhul iyo hanti ah oo muddo dheer soo jiray, kaas oo u dhexeeyay qoyska Dr Mutiso iyo Rose Mbithe, oo hore u ahayd xaaskii Professor David Musyimi Ndetei, oo ahaa sayga Dr Mutiso.
DCI ayaa sidoo kale baaraya suuragalnimada inay dilka ku lug lahaayeen eedeysanayaal kale, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah saraakiisha booliska.




