Maxkamadda oo xannibtay isticmaalka magaca iyo astaanta LINDA

0
30

Maxkamad ku taalla Nairobi ayaa amar ku meel gaar ah ku soo rogtay labada dhinac ee isku haya magaca iyo astaanta siyaasadeed ee LINDA, iyadoo ka mamnuucday inay isticmaalaan ama diiwaangeliyaan magaca “LINDA MWANANCHI” iyo magaca “LINDA” ilaa laga gaarayo go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan dacwadda.
Go’aanka maxkamadda ayaa saameynaya xisbiga Liberty National Democratic Alliance Party, oo loo soo gaabiyo LINDA, iyo garabka LINDA Mwananchi oo uu hoggaamiyo Senator-ka Nairobi, Edwin Sifuna.
Labada dhinac ayaa isku haya lahaanshaha magaca iyo astaanta LINDA, iyadoo mid kasta uu sheeganayo inuu xaq u leeyahay isticmaalka magaca iyo astaanta xisbiga.
Maxkamaddu waxay sheegtay in labada dhinac ay joojiyaan isticmaalka ama diiwaangelinta magacyada la isku hayo inta ay socoto dacwadda, taas oo ka dhigan in magaca iyo astaanta LINDA ay weli ku jiraan muran sharci.
Dacwaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay labada garab mid kasta ku adkeysanayo inuu leeyahay aqoonsiga iyo astaanta LINDA, taasoo sii kordhisay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan dhinacyada.