Gudoomiyihii degmada Hodan oo Muqdisho lagu dilay

0
572

Guddoomiyihii Maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdi Karim Dhagajuun ayaa xalay waxaa lagu dilay Magaalada Muqdisho, kadib markii rasaas xoogan lagu furay Gaarigiisa.
Gaariga Guddoomiyaha ayaa xilliga la rasaaseeynayay waxaa uu maraayay Magaalada dhexdeeda, waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyaan Ciidamo ka tirsan Dowladda gaar ahaan kuwa Booliska ee ku sugan meel aan ka fogeen Isgoyska loo yaqaano Jid Mareexaan.
Goobjoogayaal ayaa waxaay warbahainta u sheegeen in Ciidamada Gaariga Rasaaseeyay iyo ilaalada Guddoomiyihii degmada Hodan uu dhexmaray dagaal kooban taasoo ugu dambeyn keentay inuu gudoomiyuhu geeriyoodo.
Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi Karim Dhegajuun ayaa shalay Muqdisho dib ugu soo laabtay, kadib markii howlo Caafimaad loogu geeyay dalka Turkiga dhaawac kasoo gaaray qarax lala eegtay Gaarigiisa, waxaana uu shir Guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Maamulada degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu dib ugu soo laabtay dalka Gaar ahaan Caasimada Muqdisho, Shaqadiisana uu bilaabay ,isla markaana Argagaxisada aysan ka niyad jebineyn Shaqadiisa, waxaana qoraalkiisu u dhignaa sidatan.
Alle ayaa Mahad leh, intaa kadib waxaan maanta ku soo noqday dalka, kadib markii hawlo Caafimaad muddo kooban aan ugu maqnaa dalka Turkiga, Alle mahadii xaaladeyda Caafimaad aad ayeey u wanaagsan tahay.
Intaa kadib maanta markii aan imid, waxaan durba bilaabay shaqadii aan Bulshada u haayay, waxaana Shir Guddoomiyay, Shirka Isbuuclaha ah ee Degmooyinka Hodan & Hawlwadaag, kaasoo looga hadlo hawlaha shaqo ee ka socda labada Degmo.
Argagixisada mar kasta waxaay isku dayaan in Bulshada Somaliyed ay ka niyad jabiyaan Dowladnimadooda, laakiin waxaan leenahay idiinma suuragaleyso qorshahaasi aad damacsan tihiin, idinka ayaana dhibka ku dambeyn doono Insha Allah.
Waxaa naga go’an inta nafta ay nagu jirto inaan u adeegno Bulshadeena qiimaha badan sidaasi waxaa u qornaa qoraalkii ugu danbeeyay ee gudoomiyihii degmada Hodan ee Xalay Muqdisho lagu dilay.
Weli lama shaacin sababta keentay in Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay dileen Guddoomiyihii Maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.