Ururka Tifaftriyaasha oo cambaareeyay weerar lagu qaaday laba wariye oo AFP ah

0
41

Ururka Tifaftirayaasha dalka ee KEG) ayaa cambaareeyay weerar la sheegay in lagu qaaday laba wariye oo ka tirsan wakaaladda wararka AFP, Fred Ooko iyo Brian Ongoro, xilli ay tabinayeen isu-soo-bax ka dhacay Homa Bay.
KEG ayaa sheegay in wariyeyaasha ay koox dhallinyaro hubaysan ah ku weerareen goobta, iyadoo wararku sheegayaan in dhulka lagu jiiday, ul lagu garaacay, lagana dhacay kaararkoodii shaqada, laysannada darawalnimada, kamaradaha iyo alaabo kale oo gaar loo lahaa.
Ururka ayaa sheegay in weerarka wariye uusan ahayn oo keliya weerar lagu qaaday qof, balse uu yahay weerar lagu qaaday xaqa shacabka u leeyihiin inay helaan xog, xorriyadda saxaafadda iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.
KEG ayaa dowladda ugu baaqay in dhacdadan si buuxda loo baaro, kuwa ka dambeeyayna sharciga la horgeeyo.
Ururku wuxuu sidoo kale xusay Qodobka 34-aad ee Dastuurka Kenya, kaas oo dammaanad qaadaya xorriyadda iyo madax-bannaanida warbaahinta, isagoo sheegay in wariyayaashu ay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay shaqadooda gutaan iyaga oo aan la cabsi gelin, la dhibaateyn ama rabshad loo geysan.
KEG ayaa ugu dambayn ku baaqay in la xoojiyo ilaalinta xorriyadda saxaafadda, gaar ahaan iyadoo Kenya isu diyaarinayso doorashada guud ee 2027, waxaana uu ka digay in weerarro soo noqnoqda oo lagu qaado wariyeyaasha ay abuuri karaan jawi aan cidna lala xisaabtamin.