NCIC oo ka digtay in rabshadaha siyaasadeed ay Kenya gelin karaan fowdo

0
44

Guddiga Qaranka ee Isku-dhafka iyo Is-dhexgalka Bulshada dalka (NCIC) ayaa ka digay sare u kaca dulqaad la’aanta siyaasadeed iyo rabshadaha ay dalka gelin karaan xaalad fowdo iyo sharci-darro, kaddib rabshado ka dhacay ismaamulka Homa Bay.
NCIC ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay rabshadaha iyo dulqaad la’aanta siyaasadeed ee laga soo sheegay Homa Bay, iyadoo ku tilmaantay xaaladda mid walaac leh oo khatar ku ah nabadda, amniga iyo ka qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka dimuqraadiyadeed.
Guddigu wuxuu xusay in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay inuu dhaqdhaqaaq siyaasadeed ka sameeyo meel kasta oo dalka ah, haddii uusan jebin sharciga. Hase yeeshee, NCIC waxay sheegtay in xuquuqdaasi ay tahay in si mas’uuliyad leh loo adeegsado, lagana fogaado hurinta rabshadaha, hadallada naceybka ah iyo qalalaasaha.
NCIC waxay sidoo kale sheegtay inay bilowday habka loogu yeerayo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay ku eedeysay inay door ku lahaayeen rabshadaha, si loo weydiiyo isla-xisaabtan.
Guddiga ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda, taageerayaashooda iyo dhalinyarada inay is-xakameeyaan, ayna diidaan in loo adeegsado rabshado ama carqaladeynta ka qaybgalka siyaasadeed ee nabadeed.
NCIC waxay xustay Qodobka 37-aad ee Dastuurka Kenya, kaas oo muwaadiniinta siinaya xaqa isu-soo-baxa, bannaanbaxa iyo gudbinta codsiyada si nabad ah oo aan hubaysnayn. Si kastaba, guddigu wuxuu sheegay in xuquuqdaasi ay la socoto mas’uuliyadda ilaalinta nabadda, amniga iyo kala dambeynta guud.
Digniinta NCIC ayaa kusoo beegmaysa iyadoo rabshado ay hareeyeen isu-soo-baxyo siyaasadeed oo ka dhacay Homa Bay, halkaas oo gaari lagu gubay, dhowr qof oo ay ku jiraan saxafiyiin lagu dhaawacay, waxaana la xiray 17 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen rabshadaha.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in taageerayaasha ololaha Linda Mwananchi la weeraray, iyadoo kooxo rabshado waday ay weerareen Hotel-ka Homa Bay Tourist, halkaas oo ay burburiyeen daaqado, waxyeelleeyeen hanti, ayna qaateen qaar ka mid ah alaabtii goobta.
Rabshado ayaa sidoo kale laga soo sheegay deegaanka Nyandiwa, halkaas oo kooxo watay dhagxaan iyo ulo ay ku wajahnaayeen goob uu ololaha Linda Mwananchi ka qeybgalayay adeeg kaniisadeed.
Dhanka kale, Jimcihii, kolonyada hoggaamiyaha xisbiga DCP, Rigathi Gachagua, ayaa dhagxaan lagu tuuray xilli uu olole siyaasadeed ka waday Nakuru.
NCIC ayaa sidoo kale cambaareysay adeegsiga awood xad-dhaafka ah, iyadoo sheegtay in ka qaybgalka siyaasadeed ee nabadeed uu ku dhisan yahay ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah iyo u hoggaansanaanta sharciga.
Guddigu wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta iyo taageerayaashooda inay ka fogaadaan hadallada kala-qaybinta bulshada, ayna doorbidaan dulqaad, wada-hadal iyo is-ixtiraam, si tartanka siyaasadeed uusan ugu baddalin colaad, rabshado ama iska hor imaad ku saleysan qabiil.