DHAGEYSO:Ruto oo ku eedeeyay Uhuru Kenyatta inuu maalgeliyo mucaaradka

0
115

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee dalka, Uhuru Kenyatta, uu ka mid yahay dadka maalgelinaya mucaaradka dalka.
Ruto ayaa sheegay in Uhuru Kenyatta uu taageero dhaqaale siinayo qaar ka mid ah siyaasiyiinta isaga ka soo horjeeda, kuwaas oo doonaya inay kula loolamaan xukuumaddiisa.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan wax cabsi ah ka qabin mucaaradka, isaga oo ballanqaaday inuu si degdeg ah uga adkaan doono.
Ruto ayaa sidoo kale sheegay in mucaaradka Kenya aysan lahayn aragti ama qorshe cad oo ay dalka ku hoggaamiyaan.