Xayiraadaha COVID19 ee Australia oo la fududeeyay

0
304

Maamullada magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa qafiifiyay xayiraado dhanka isku socodka ah oo horay loo soo rogay si loo xakameeyo faafitaanka cudurka COVID19.
Dadweynaha ku nool magaladaas ayaa laga billaabo Jimcada loo oggolaan doonaa in ay degmadaasi ka safraan wax ka badan 25 kiiloomitir.
Melbourne oo ah magaalada labaad ee ugu wayn Australia waxaa ay hooy u tahay 5 milyan oo qof.
Sidoo kale waxaa la soo afjaraya amarkii ahaa in ay khasab tahay in la xirto afduubka marka qofka uusan gurigiisa joogin.