Puntland oo sheegtay inay la wareegtay saldhig ay Shabaab weerarrada kasoo abaabuli jireen

0
280

Ciidamada difaaca Maamul Goboleedka ee Puntland ayaa sheegay inay la wareegeen taliska Xubnaha Ururka Al-Shabaab ay ka soo abaabuli jireen weerarada ay ka gaysan jireen deegaanada Maamulka Puntland oo ku yaal Gobolka Bari.
War kasoo baxay Taliska Ciidamada PMPF ee Puntland, ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada lagula wareegay Taliskii Al-shabaab ku lahayd Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland waxay tilmaameen in Saldhig Talis ah, Saanad Hub ah, Walxaha Qarxa, Aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutaha Ciidamada ay ka qabsadeen Al-Shabaab, hawlgal ay ka sameeyeen buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Taliska Ciidamada PMPF Ma shaacin dagaal dhex-maray ayaga iyo Al-Shabaab, hayeeshee kaliya wuxuu sheegay inay saldhigaas kala wareegeen Ururka Al-Shabaab.
Howlgalkan Cidamada Difaaca Maamulka Puntland ay ka sameeyeen dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa kusoo aadaya xilli mararka qaar Al-Shabaab ay weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliyaan deegaano kamid ah Gobolkaasi Bari oo Magaalada Boosaaso ay ka mid tahay.