Booliska ismaamulka Mombasa ayaa gacanta ku dhigay afar qof, oo uu ku jiro ilmo yar, kuwaas oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin dhaqdhaqaaqyo lala xiriirinayo koox diimeed marin habaabin ah oo ka hawlgasha xaafadda Chaani.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, dadka la xiray ayaa lagu arkay iyagoo sameynaya falal aan caadi ahayn gudaha gurigooda iyo waddooyinka xaafadda, arrintaas oo dhalisay walaac ay muujiyeen shacabka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa ku baaqay in boolisku si degdeg ah u xoojiyo baaritaannada, islamarkaana uu qaado tallaabooyin looga hortagayo faafitaanka caqiidooyiinka aan wanaagsaneyn.
Booliska ayaa sheegay in baaritaannadu weli socdaan, iyadoo la ogaanayo in falalkan ay xiriir la leeyihiin koox diimeed marin habaabin ah iyo in kale.
Dowladda ayaa ugu baaqday shacabka inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo ka caawin karta baaritaanka.




