Kenya oo heshay maalgelin dhan KSh 10.4 bilyan si loo yareeyo dhimashada hooyada iyo dhallaanka

0
117

Dowladda Kenya ayaa heshay maalgelin dhan 80 milyan oo doollar (qiyaastii 10.4 bilyan oo shilinka Kenya ah) si loo dardargeliyo dadaallada lagu soo afjarayo dhimashada laga hortagi karo ee hooyooyinka iyo dhallaanka.
Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aden Duale, ayaa sheegay in heshiiskan iskaashiga ah ee u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Beginnings Fund uu socon doono muddo shan sano ah, isla markaana uu xoojin doono hirgelinta qorshaha Every Woman Every Newborn Everywhere (EWENE).
Duale ayaa sheegay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono sidii Kenya ay u gaari lahayd bartilmaameedyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee loo yaqaan 90-90-80-80, isagoo ku tilmaamay heshiiska tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo adeegyo caafimaad oo tayo leh, loo siman yahay, isla markaana ay hoggaaminayaan hay’adaha dowladda.
Mashruucan ayaa diiradda saari doona 21 ismaamul oo ay dhibaatadu aad uga jirto iyo ku dhawaad 200 xarumood oo caafimaad oo adeegyo badan bixiya, waxaana la filayaa inuu gaaro ku dhawaad 6 milyan oo haween iyo dhallaan ah marka la gaaro sannadka 2030.
Barnaamijkan waxaa taageeraya Beginnings Fund, Gates Foundation, Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) iyo bahwadaag kale oo caalami ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona dhimista dhimashada hooyooyinka iyo dhallaanka, isla markaana xoojin doona nidaamka caafimaadka dalka.
Wasiir Duale ayaa sidoo kale xusay in iskaashigan uu dhammaystirayo dib-u-habaynta ay dowladdu ka waddo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, oo ay ku jirto barnaamijka (RRI), kaas oo uu daahfuray Madaxweyne William Ruto isagoo qayb ka ah barnaamijka Taifa Care.