DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo cambaareeyay xarigga xildhibaan Kaguchia

0
137

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka oo qoraal soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayaa sheegay inuu si kulul u cambaareynaya xarigga saaka lagula kacay xildhibaanka deegaanka Mukurweini ee ismaamulka Nyeri John Kaguchia.
Siyaasigan ayaa laga qabtay xafiisyada xarunta telefishinka Citizen oo uu saaka waaga ugu baryey.
Kalonzo ayaa qoraalka ku xusay inuu caddeynaya in cidna aynan ku taageerayn jeedinta hadallo kicinaya bulshada balse ay qasab tahay in si siman loo dhaqangeliyo xurriyadda uu qofku u leeyahay inuu dareenkiisa cabbiro.
Waxaa sidoo kale arrintan cambaareeyay senatarka ismaamulka Kisii Richard Onyonka oo sheegay in laga dheehan karo dulqaad la’aan siyaasadeed.
Xildhibaan Kaguchia ayaa hadda lagu haaya xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista ee DCI ee waddada Kiambu Road.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta halkaasi gaaray ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.