Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa sheegay in mashaariicda guriyaha qiimo ahaan la awoodo , suuqyada casriga ah iyo qaybaha jiifka ee ardayda jaamacadaha iyo machadyada ee ay dowladdu dhisaysa ay yihiin kuwo si siman looga fulinaya guud ahaan ismaamullada Kenya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay miisaaniyad dhan 1.2 Tiriliyoon oo shilin ay ku qarash gelinaysa barnaamijyadan.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa caddeeyay in waddanka uu horumar muuqda ku gaari karo qorsho wax ku ool ah.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay arrimaha waxbarashada iyo sababta uu mar kasta u sheego in dadweynaha ay isku diiwaangelinayaan caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.




