DHAGEYSO:Iskuduwaha ammaanka ee Nairobi oo sheegtay in bishii hore la helay 5 qori

0
141

Iskuduwaha dowladda dhexe ku matasho Nairobi, Rhoda Onyancha ayaa sheegtay in laamaha ammaanka ee caasimadda waddanka ay bishii hore ee Luulyo gacanta ku dhigeen 5 qori.
Onyancha ayaa intaasi ku dartay in la xiray 8 qof oo lala xiriirinaya falal dambiyeedyada.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dadaal lagu bixinaya la tacaalidda qaswadeyaasha gaysta rabshadaha.
Waxay siyaasiyiinta xilalka haya iyo kuwa musharraxiinta ah ku boorrisay in ay dadweynaha ka dhaadhiciyaan qorshahooda oo aynan dhallinyarada uga faa’iidaysan danahooda.

Sidoo kale , wareysi gaar ah oo ay saaka siinaysay idaacadda Radio Citizen ayay kaga hadashay wax ka qabashada arrimaha nabadgalyada ee xaafadaha dhaca bariga ismaamulka Nairobi iyo kulan qabsoomi doono Khamiista.