Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamreeb kaddib safar shaqo oo uu muddo uga maqnaa.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyey Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Barlamaanka Maxamed Nuur Gacal, xubno ka tirsan labada gole, maamulka caasimadda iyo qeybaha bulshada.
Qoorqoor ayaa lagu waddaa in uu saacaddaha soo socdo uu ku dhawaaqo xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka.
Xubnahaasi ayaa lagu badali doona kuwii horay cabashada looga keenay, waxaa sidoo kale lagu waddaa in uu xaliyo cabashooyin ka taagan degmada Ballanbale oo xilka looga qaaday wasiirkii Arrimaha Galmudug.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweyne Qoorqoor oo lagu wado inuu ku dhawaaqo xubnaha guddiga doorashooyinka