Booliska oo Mariakani ku Qabtay Xashiish Lagu Qariyay Jawaano iyo Hal Qof oo Loo Xiray

0
119

Ciidamada la dagaallanka mukhaadaraadka ee Kenya (ANU), oo kaashanaya booliska saldhigga Mariakani, ayaa gacanta ku dhigay xashiish lagu qariyay jawaano, kaddib howlgal laga fuliyay deegaanka Mariakani.
Howlgalka oo ku saleysnaa xog sirdoon ayaa ka dhacay goobta lagu miisaamo gaadiidka ee Mariakani, halkaas oo ciidamada ay ku joojiyeen bas rakaab oo ay leedahay shirkadda Tahmeed, kaas oo ka yimid Busia kuna sii jeeday Mombasa.
Baaritaan lagu sameeyay baska ayaa lagu helay shan jawaan oo ay ku jireen xashiish kuwaas oo si xeeladaysan loogu qariyay jawaannada si looga dhuunto baaritaannada ciidamada ammaanka.
Baaritaannada kadib haweeney 45 jir ah oo lagu magacaabo Evelyn Atieno Ochola, loo xiray daroogadaas.
Booliska ayaa sheegay in Evelyn Atieno Ochola ay ku jirto gacanta ciidamada, iyadoo loo diyaarinayo in maxkamad la horkeeno, halka maandooriyihii la qabtay loo hayo caddeyn ahaan inta ay baaritaannadu socdaan.