DHAGEYSO:Farouk Kibet oo maanta ismaamulka Mnadera uga qeyb galay kulan awoodsiinta haweenka

0
156

Kaaliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha dalka , Farouk Kibet, ayaa hoggaamiyay kulan lagu xoojinayay doorka haweenka oo ka qabsoomay deegaanka galbeedka Mandera.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray awood-siinta haweenka, kor u qaadista ka qaybgalka horumarinta bulshada iyo taageeridda barnaamijyada horumarineed ee dowladda.
Farouk Kibet ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay ugu baaqay shacabka Mandera inay garab istaagaan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto, isagoo sheegay in wadajirka iyo taageerada dowladda ay muhiim u yihiin hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo adeegyada bulshada.