Ugu yaraan 11 askari oo booliis ah oo lagu dilay weerar ka dhacay waqooyi-galbeed Pakistan

0
147

Ugu yaraan 11 askari oo ka tirsan booliiska Pakistan ayaa ku dhintay, tobannaan kalena way ku dhaawacmeen kadib weerar lagu qaaday bar koontarool oo booliisku ku lahaa gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee waqooyi-galbeed dalkaasi.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka, weerarka ayaa dhacay fiidnimadii Arbacada degmada Hangu oo ku dhow xadka u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan.
War ay soo saareen booliiska ayaa lagu sheegay in kooxdii weerarka fulisay ay marka hore adeegsadeen diyaarado yaryar oo nooca quadcopter-ka ah oo siday walxaha qarxa, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigga booliiska. Kadibna waxay weerar toos ah ku qaadeen goobta, taasoo sababtay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.
Ciidamada ammaanka ayaa billaabay baaritaanno iyo howlgallo lagu baadi-goobayo kooxihii ka dambeeyay weerarka, iyadoo illaa iyo hadda aysan jirin cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahaya weerarro isa soo taraya oo ay geystaan kooxo hubeysan, gaar ahaan deegaannada ku dhow xadka Afghanistan.