Madaxweyne Ruto oo Ku Dhawaaqay Wadahadal Qaran oo Lagu Dejiyo Himilada Kenya ee sanadka 2030

0
126

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in Arbacada, 12-ka Agoosto 2026, si rasmi ah loo daahfuri doono wada hadal qaran oo looga arrinsanayo jihada mustaqbalka dalka marka uu dhammaado qorshaha horumarinta ee Vision 2030.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in wada hadalkan uu noqon doono dadaalkii ugu ballaarnaa ee dib-u-milicsiga qaran iyo ka-qaybgalka dadweynaha tan iyo markii la meel mariyay Dastuurka Kenya sanadkii 2010.
Sida uu sheegay madaxweynaha, wada hadalka waxaa ka qayb geli doona hay’adaha dowladda, dhammaan ismaamullada gobollada (counties), jiilalka kala duwan, hoggaamiyeyaasha siyaasadda, bulshada diimaha iyo qaybaha kale ee bulshada.
Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dhallinyarada Kenya ay udub-dhexaad u noqon doonaan wada hadalladan, si aragtidooda iyo doorkooda loogu saleeyo qorshaha horumarineed ee dalka ee ka dambeeya Vision 2030.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in qorshaha lagu dejinayo himilada dalka ee hiigsiga sanadka 2030 uu ku saleysan yahay aragti fog oo lagu xaqiijinayo isbeddel qaran oo waara.
Ruto ayaa xusay in sababtaas awgeed uu u casuumay Prof. Hiroyuki Hino, Prof. Anyang’ Nyong’o iyo khubaro kale oo la shaqeysa si ay u bilaabaan daraasad ku saabsan mustaqbalka Kenya marka uu soo dhammaado qorshaha Vision 2030.
Madaxweynaha ayaa sheegay in toddobaadkii hore uu guddoomay soo jeedimahooda ku saabsan tilmaamaha istiraatiijiyadeed ee lagu hagayo isbeddelka iyo horumarka fog ee dalka.