Sarkaal sare oo loo xiray fal khiyaano oo musqmaasuq ah

0
109

Sarkaal ka tirsan waaxda wax iibsiga ayaa loo xiray ku lug lahaanshaha qorshe musuqmaasuq ah oo lagu lunsaday KSh 675,000 oo laga dhacay Mwai Kibaki Hospital Annex (KNH Othaya) ee ismaamulka Nyeri.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Bernard Mutegi ayaa maanta lagu qabtay magaalada Chuka, kadib howlgal ay fuliyeen baarayaal ka tirsan Serious Crimes Unit (SCU) ee ka hawlgasha Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta (KNH).
Baaritaannada ayaa lagu ogaaday in intii u dhexeysay 30-kii Juun 2022 ilaa 8-dii Nofeembar 2023, Mutegi uu la sheegay inuu sameeyay dukumentiyo been abuur ah oo ay ka mid yihiin waraaqaha caddeynta keenista alaabta iyo amarada lacag bixinta, isagoo ku qoray magaca shirkadda Fesmat Investments.
Dukumentiyadan been abuurka ah ayaa si khaldan u muujinayay in isbitaalka loo keenay maryaha shaqaalaha caafimaadka (aprons), taasoo sababtay in si sharci darro ah loo bixiyo KSh 675,000, inkastoo alaabtaasi aan waligeed la keenin.
Kadib markii baaritaanka la soo gabagabeeyay, faylka dacwadda ayaa loo gudbiyay Xafiiska Agaasimaha Dacwadaha Dadweynaha (ODPP), kaasoo oggolaaday in Mutegi lagu soo oogo dacwado ay ka mid yihiin shirqool khiyaano, sameynta dukumenti aan sharciyeysneyn, iyo xatooyo.
Mutegi ayaa haatan ku jira gacanta booliska, waxaana la filayaa in dhawaan maxkamad la soo taago. Dhanka kale, baarayaashu waxay sii wadaan raadinta iyo soo qabashada tuhmanayaasha kale ee la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen falka musuqmaasuqa ah.