Wasiir Ruku: Waxaan sheegayaa runta, ee ma kala qaybinayo gobolka bartamaha

0
130

Wasiirka Adeegga Bulshada Geoffrey Ruku ayaa diiday eedeymaha ah inuu doonayo inuu u kala qaybiyo gobolka bartamaha Kenya laba qaybood oo kala ah Bariga gobolaka bartamaha iyo Galbeedka bartamaha gobolka, isaga oo sheegay in hadalladiisu ay daaran yihiin soo bandhigidda sinnaan la’aanta mudada dheer soo jirtay ee dhinaca horumarinta iyo matalaadda.
Isaga oo wareysi siinayay telefishanka NTV, Ruku wuxuu sheegay inuu kaliya tilmaamayay xaqiiqda ka jirta dhulka ee ku saabsan kala duwanaanshaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee u dhexeeya labada dhinac ee gobolka, ee uusan isku dayayn in uu abuuro kala qaybsanaan.
Wasiirka ayaa sheegay in bulshooyinka ka kala yimid guud ahaan bartamaha wadanta ay taariikh ahaan soo wada shaqeeyeen, oo ay ku jirto intii lagu guda jiray halgankii xornimada iyo taageeridda dowladihii is xigay.
Si kastaba ha ahaatee, Ruku wuxuu ku dooday in inkasta oo ay jirto taariikh la wadaago, haddana ay jiraan farqi weyn oo ku saabsan qeybinta mashaariicda horumarineed, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha, taas oo uu sheegay inay qaybo ka mid ah Bariga bartamaha gobolka ka dhigtay kuwo liita.
Wuxuu tusaale u soo qaatay kala duwanaanshaha dhismaha waddooyinka iyo isku xirka korontada tusaale ahaan waxa uu ku tilmaamay daaweyn aan simeyn oo ka dhex jirta gobolka.
Ruku wuxuu barbar dhigay isku xirka korontada ee degmooyinka kala duwan, isagoo sheegay in Kiambu ay gaartay ku dhawaad 90 boqolkiiba isku xirka halka qaar ka mid ah degmooyinka ku yaal Bariga gobolka bartamaha ay sii wadaan inay dib u dhacaan.
Wuxuu sheegay in riixitaanka aqoonsiga weyn ee Bariga gobolka bartamaha uusan ahayn in la burburiyo gobolka balse ay tahay in wax laga qabto waxa uu ku tilmaamay sinnaan la’aan taariikhi ah.
Wasiirka ayaa bilihii la soo dhaafay u ololeynayay in Bariga gobolka bartamah, oo ka kooban Ismaamulada Meru, Embu iyo Tharaka Nithi, ay daba galaan danahooda siyaasadeed iyo kuwa horumarineed halkii ay si toos ah u raaci lahaayeen jihada siyaasadeed ee Galbeedka gobolka bartamaha.