Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza.
Waxaa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Qatar ka hirgelineyso Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka dalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Safiirka Qatar taageerida ay dawladiisa u fidhiso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Safiirka Qatar ayaa dhankiisa sheegay inay dardar gelin doonaan mashaariic horumarineed oo ay ka fuliyaan meelo kamid ah Soomaaliya, sidoo kale ay dowladda Federaalka kala Shaqeyn doonaan arrimaha doorashooyinka.
Home Wararka Soomaaliya Rooble iyo safiirka Qatar ee Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka