Ciidanka Suudaan oo sheegtay inay la wareegeen waddo weyn oo isku xirta Khartuum iyo el-Obeid

0
84

Ciidanka Suudaan ayaa ku dhawaaqay inay dib ula wareegeen gebi ahaanba waddo weyn oo isku xirta caasimadda Khartuum iyo magaalada el-Obeid, oo muddo go’doon ku haysay kooxda militariga ee RSF.
La wareegidda waddada Al Sadarat maalintii Axadda ayaa la sheegay inay u sahlayso ciidanka Suudaan inay si fudud u gudbiyaan ciidamo, hub, shidaal iyo sahay, isla markaana ay ka hor istaagto RSF qorshaheeda ay ku doonaysay inay qabsato el-Obeid, oo ah caasimadda gobolka Woqooyiga Kordofan.
Qiyaastii nus milyan qof ayaa ku xaniban magaalada, halkaas oo Qaramada Midoobay ay ka digtay inuu ka jiro masiibo bani’aadamnimo, iyadoo dadka deggan ay la kulmayaan weerarro culus oo ay RSF ku fulinayso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
War-saxaafadeed ay soo saareen Axaddii, ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay dib u qabsadeen magaalooyin iyo deegaanno ku yaalla inta u dhaxaysa Khartuum iyo el-Obeid, kaddib laba maalmood oo dagaallo culus ay la galeen RSF, oo horay gacanta ugu haysay waddadan.
Weerarradan ayaa noqday gulufkii ugu weynaa ee ciidanku ku qaadeen kooxda RSF muddo bilooyin ah.
Ciidanka ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen deegaannada Um Qurfa iyo Jarigakh, kaddib hawlgallo ay ku sheegeen inay RSF u geysteen “khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo burbur qalab ciidan, taasoo ku qasabtay inay ka cararaan goobaha.”