Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in nidaamka daryeelka caafimaadka ee Gaza uu ku shaqaynayo awooddiisa ugu sarreysa isla markaana uu dhaafay xadkiisii awoodda, iyadoo isbitaalladu ay la halgamayaan baahida sii kordheysa ee adeegyada caafimaadka, xilli Israa’iil ay weli xannibayso gargaarka soo galaya deegaanka.
Warbixin ay wasaaraddu soo saartay oo ka hadlaya lixdii bilood ee ugu horreeyay sannadka ayaa lagu sheegay in waaxyaha gurmadka degdegga ah ay daweeyeen 997,844 bukaan.
Waxay sidoo kale sheegtay in isbitaalladu sameeyeen 57,112 qalliin, isla markaana ay jiifiyeen 111,378 bukaan. Xarumaha sifaynta kelyaha ayaa bixiyay 47,629 kullamo oo loogu talagalay 3,912 bukaanada kelyaha fariistay.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in rugaha caafimaadka dhimirka ay diiwaangeliyeen 45,000 booqasho, halka la qaybiyey 32,186 unug oo dhiig ah si loogu taageero qalliinnada, daaweynta xaaladaha degdegga ah, iyo dadka qaba dhiig-baxyo daran.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tirakoobyadani muujinayaan baahi degdeg ah oo loo qabo taageero dhanka agabka caafimaadka iyo dawooyinka si loo xaqiijiyo sii socoshada adeegyadan muhiimka ah.




