DHAGEYSO:Xildhibaanka galbeedka Wajeer oo cambaareeyay dil shalay dhacay

0
440

Mudanaha laga soo doortay deegaanka galbeedka Wajeer Axmad Qaloosh Maxamad ayaa cambaareeyay dhacdo shalay lagu dilay hal qof mid kalena loogu gaystay dhaawac culus.
Falkan ayaa laga soo tabiyay tuulada lolokuta oo ka tirsan deegaanka Hadaado ee Wajeer.
Mudanaha ayaa xusay in shacabka laga doonayo in ay is dejiyaan oo ay si nabad ah ku wada noolaadaan.
Ciidamada ammaanka ayuu dhanka kale ugu baaqay inay gacanta ku soo dhigaan shakhsiyaadkii dilka iyo dhaawaca ka dambeeyay si looga qaado tallaabo sharciyeed.