Hindia oo u yeertay safiir ku xigenka u fadhiya Iran

0
189

Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in laba ka mid ah maraakiibta dagaalka ee qaranka ay ku dhaceen gantaalada Iiraan, iyadoo Hindiya ay u yeertay safiir ku xigeenka Iiraan ka dib markii shaqaale Hindi ah lagu dilay weeraradii, dhowr kalena lagu dhaawacay.
Mareykanka ayaa weeraro dheeraad ah ku qaaday Iiraan, iyadoo warbaahinta Iiraan ay soo tabisay qaraxyo ka dhacay jasiiradaha Kish iyo Qeshm, iyo sidoo kale Bushehr iyo Bandar Abbas.
Dhanka kale, Iran ayaa sheegtay inay weerartay saldhigyo militari oo Mareykanku ku leeyahay Kuwait, Baxreyn, iyo Urdun, sidoo kalena ay beegsatay laba markab oo waaweyn oo shidaal qaada kuwaas oo marayay Marinka Hormuz.