Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa si adag u cambaareysay weerarada gardarrada ah iyo xad-gudubka weyn ee lagu sameeyay Is-fahamkii oo uu geystay Maraykanku ka dib duqeymo militari oo laga fuliyay koonfurta Iiraan.
Wasaaradda ayaa sheegtay in saacadihii hore ee Arbacada, “milatariga argagixisada ah ee Maraykanka, isagoo si cad u jebinaya Qodobka 2-aad, Farqaddiisa 4-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, ay dulaan militari ku qaadeen dhowr xarumood oo kormeerka iyo ilaalada ah oo ku yaalla xeebaha koonfureed ee Iiraan.”
Waxay xustay in duqeymahani ay “ka dhigan yihiin xad-gudub muuqda oo lagu sameeyay Farqadda 1-aad ee Is-fahamka joojinta Dagaalka, kaas oo waajibinaya in la joojiyo howlgalada militari”.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu iftiimiyay “waajibka sharci ee caalamiga ah ee saaran dhammaan dowladaha, gaar ahaan waddamada deriska ah ee ku yaalla xeebaha koonfureed ee Gacanka Bershiya, ee ah inay ka hortagaan dhinacyada gardarrada wada inay u adeegsadaan dhulkooda iyo goobohooda si ay u fuliyaan falal gardarro ah oo ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.”
Waxay intaas ku dartay in iskaashi kasta oo laga geysto dambiga gardarrada ee ka dhanka ah Iiraan uu ka dhigan yahay ku-lug-lahansho iyo ka-qaybqaadashada dambigaas.
Iyadoo xasuusinaysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Guud mas’uuliyaddooda, wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay in ciidamada qalabka sida ee Iiraan ayna ka labalabayn doonin difaaca madaxbannaanida dhuleed ee Iiraan, madaxbannaanida qaranka, iyo amniga qaranka ee ka dhanka ah gardarrada militari ee Maraykanka, si waafaqsan Qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, ayna beegsan doonaan isha iyo halka ay gardarradu ka timid, sida uu bayaanku dhigayo.




