IEBC oo soo bandhigaysa warbixinta xallinta khilaafaadka doorashada Kahor ee 2022

0
154

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha IEBC ayaa maanta furi doona warbixinta xallinta khilaafaadka doorashada kahor ee doorashadii Guud ee 2022 iyo Buugga Kooban ee dacwadaha doorashadii Guud ee 2022.
Labadan qoraal ayaa ah buugaag tixraac ah oo loo diyaariyey in lagu diiwaangeliyo, laguna falanqeeyo sidii loo maareeyey khilaafaadkii doorashada ee isasoo tarray kahor iyo intii ay socotay doorashadii guud ee Kenya ee 2022.
Warbixinta xallinta khilaafaadka doorashada kahor doorashadii guud ee 2022 waxay diiwaangelinaysaa khibradihii laga dhaxlay xallinta khilaafaadkii ka horreeyey doorashadii dhacday 9-kii Ogosto sanadkii 2022.
Ujeeddada ugu weyn ee warbixintan waa in lagu qiimeeyo sidii loo maareeyey cabashooyinka doorashada iyo in la ogaado casharrada wax ku oolka ah ee lagu horumarin karo doorashooyinka mustaqbalka, gaar ahaan marka loo diyaarbaroobayo doorashada guud ee 2027.
Buugga Kooban ee dacwadaha ayaa isna ah buug tixraac sharciyeed ah oo soo koobaya go’aannadii masiiriga ahaa ee maxkamaduhu ka gaareen dacwadihii ka dhashay doorashadii guud ee sanadkii 2022.
Halkii uu dib u soo daabici lahaa xukunnada oo dhan, buuggu wuxuu bixinayaa soo koobin ku saabsan dacwadaha muhiimka ah, wuxuuna sharraxayaa mabaadi’da sharciga ah ee ay dejiyeen maxkamaduhu.