Mark Rutte ayaa sheegay in weeraradii xalay uu Maraykanku ku qaaday Iiraan ay ahaayeen kuwo lagama maarmaan ah maadaama ay ku xad-gudubtay xabbad-joojinta.
“Waxaan u sheegay inay gabi ahaanba muhiim tahay in Maraykanku uu si xoogan uga falceliyo,” ayuu yiri.
Rutte ayaa intaas ku daray inuu ka filayo xubnaha NATO inay “mar kale xaqiijiyaan in Iiraan aysan marnaba, marnaba gacanta ku dhigin awood nukliyeer ah”, iyo sidoo kale inay dib u xaqiijiyaan muhiimadda ay leedahay xorriyadda isku-socodka maraakiibta ee Gacanka Hormuz.
Wuxuu sheegay inuusan shaki ku jirin in Maraykanku uu weli ka go’an yahay NATO, balse ay jirto filasho ah in xulafadu ay la sinnaan doonaan kharashka difaaca ee Washington.
Kharashka difaaca ayaa la filayaa inuu noqdo arrinta ugu weyn ee shir madaxeedka, iyadoo Rutte uu ugu baaqay xulafada inay soo bandhigaan qorshayaal la aamini karo oo lagu gaarayo hadafka ah in 5 boqolkiiba wax-soo-saarka guud ee gudaha GDP lagu bixiyo difaaca marka la gaaro 2030, sidii lagu heshiiyay Hague sannadkii hore.




