DHAGEYSO:Wanjigi oo sheegay in Ruto uusan wax fursad ah u lahayn guusha doorashada 2027

0
159

Hoggaamiyaha Xisbiga Safina, isla markaana ah musharraha u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada 2027, Jimi Wanjigi, ayaa weerar afka ah oo dhinac kasta ah ku qaaday Madaxweyne William Ruto, isagoo ku dhawaaqay in Hoggaamiyaha Dalku uusan heli doonin muddo xileed labaad, wuxuuxna ku eedeeyay inuu wax ku maamulo cabsi halkii uu ku maamuli lahaa sharciyad dastuurri ah.
Isagoo ka hadlayay madal wada-tashi oo loogu magac-daray Then What Kenya? oo fiidnimadii Talaadada ka dhacday Nakuru, Wanjigi ayaa sheegay in Madaxweyne Ruto uu ka cabsanayo Dastuurka, wuxuuna ka digay in dadka Kenyanka ah ay hadda tiranayaan maalmaha ka dhiman Doorashada Guud ee soo socota.
Wuxuu sii raaciyay inuu su’aal ka keeno sharciyadda Madaxweynaha, isagoo ku eedeeyay inuu ku tiirsan yahay adeegsiga xoogga halkii uu ku kalsoonaan lahaa taageerada iyo niyad-samida shacabka.