Lix qof oo ku dhintay, toddoba kalena ku dhaawacmeen shil ka dhacay Jidka Wayn ee Nairobi–Mombasa

0
204

Lix qof ayaa ku dhintay, toddoba kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib shil gaari oo labo xamuul ah iyo bas rakaab ah, kaas oo ka dhacay Jidka Wayn ee Nairobi–Mombasa ee u dhow Kapiti Plains oo ka tirsan ismaamulka Machakos.
Shilka ayaa dhacay abaaro 1:50 habeenimo, markaas oo loori ka yimid dhanka Mombasa kuna sii jeeday Nairobi uu ku dhacay mid kale oo ka hor yimid.
Sida ay dhigayso warbixinta booliska, isku dhacaas ayaa sababay in loorigii labaad uu xakamaynta lumiyo, halkaasna uu si fool-ka-fool ah ugu dhacay bas ay leedahay shirkadda Tahmeed oo ku socday jihada ka soo horjeeda.
Darawalkii looriga koobaad iyo darawalkii baska ayaa ku dhintay goobta, iyadoo ay u sii dheer yihiin afar rakaab ah oo saarnaa baska.
Toddoba rakaab ah oo dhaawacyo soo gaareen ayaa loola cararay Isbitaalka heer 5-aad ee Machakos Level Five, halkaas oo lagudaweynayo.
Meydadka dadkii dhintay ayaa la geeyay qolka maydka ee isbitaalka si baaritaan loogu sameeyo, halka haraagii baabuurtana loo jiiday Saldhigga Booliska ee Kyumbi, iyadoo ay weli socdaan baaritaanno ku saabsan sababta keentay shilka.