Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo ku dhawaaqday dilaaca cudurka daacuunka ka dib dhimashada 24 qof

0
127

Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu dalka ka dillaacay cudurka daacuunka, ka dib markii la xaqiijiyey dhimashada 24 qof iyo 197 kiis oo laga diiwaangeliyey degmooyinka caafimaadka ee Bimbo iyo Mbaiki oo ku dhow caasimadda Bangui. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in tallaabooyin lagu xakameynayo faafitaanka cudurka laga hirgeliyey deegaannada uu saameeyey, iyadoo sidoo kale la xoojinayo ka hortagga magaalooyinka u dhow.
Daacuunka ayaa ah cudur ku faafa biyaha ama cuntada wasakhaysan, waxaa uuna sababi karaa shuban daran iyo fuuqbax halis gelin kara nolosha qofka. Mas’uuliyiinta ayaa wadaan baaritaanno lagu ogaanayo halka uu cudurka ka billowday, iyadoo tan ay tahay markii shanaad ee cudurkan laga diiwaangeliyo dalka.
Dillaacan cusub ayaa kusoo beegmaya iyadoo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ay sidoo kale heegan ugu jirto cudurka Ebola ee ka dillaacay dalka deriska la ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ee DRC. Dillaacii daacuunka ee ugu dambeeyey oo dhacay sannadkii 2016 ayaa waxaa ku dhacay in ka badan 500 qof, halka 23 qof ay u dhinteen. Dowladda ayaa ugu baaqday shacabka inay raacaan talooyinka caafimaadka iyo tallaabooyinka ka hortagga cudurka.