Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin ismaamullada wadanka ee COG ahna barasaabka dowlad deegaanka Embu Martin Wambora ayaa shir jaraaid oo uu maanta qabtay ka sheegay in ismaamullada wadanka ay wajahayaan dhaqaale yari.
Waxaa uu sheegay in hadii wasaaradda maaliyadda aynan ugu dambeyn 24-ka bishan soo saarin lacag dhan 102. 6 bilyan oo shilin ay hakad galayaan adeegyada dowlad deegaanada ay u fidiyaan dadweynaha.
Mr. Wambora ayaa sheegay in lacagtan ay in muddo ah ka sugayeen dowladda dhexe taasoo horseeday gaabad dhanka bixinta adeegyada aasaasiga ah.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo toddobaadkii hore wasiirka wasaaradda maaliyadda Mr. Ukur Yatani uu baarlamaanka ka hor akhriyay miisaaniyad sanadeedka 2021-2022-ka oo ah 3.6 tiriliyoon oo shilin .